Wararka laga helayo Muqdisho ayaa sheegaya in halkaas lagu xiray guddoomiye ku-xigeenka gobolka Gedo Sheekh Maxamed Xuseen Isxaaq Alqaadi iyo guddoomiyaha degmada Baardheere ee Jubbaland Ismaaciil Qorrax.
Wararka waxay intaas ku darayaan in masuuliyiintan ay ka mid yihiin xubanaha si gaar ah u taageersan maamulka Jubbaland islamarkaana ka howlgala Gobolka Gedo.
Labadaan mas’uul ayaa la keenay Muqdisho kadib markii taliyaha qeybta 43-aad ee ciidanka xoogga dalka ay dowladda u dirtay kaas oo ku qanciyey in ay u soo raacaan Muqdisho kadib markii sida la sheegay uu balan qaadyo u samyeey.
Intaa kadib masuuliyiinta Markii ay kasoo degeen garoonka Aadan-Cadde ayaa waxaa la sheegay in ay wareegeen ciidamo ka tirsan booliska Soomaaliya kuwaas oo xabsiga u taxaabay.
PUNTLAND POST