Maxaa looga hadlay Shirkii golaha Wasiirada Somaliland?

Shirkii golaha wasiirrada Somaliland ee maanta oo Khamiis ah uu shir-guddoominayay madaxweynaha maamulkaasi Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa looga hadlay  mashruuca maamul-daajinta dowladaha hoose ee JPLG-ga.

Madaxweyne ku-xigeenka  Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa golaha warbixin dheer ka siiyay mashruuca horumarinta iyo maamul daadejinta Dawladaha hoose ee JPLG oo laga maamulo xafiiska madaxweyne ku xigeenka, isagoo xusay marxaladihii mashruucu soo maray iyo sida dawladaha hoose uga faa’iidaystaan.

Dhinacooda masuuliyiin ka socday xafiiska mashruucan, ayaa golaha u soo bandhigay heerka horumarineed ee mashruucan iyo maamul-daadejintiisa oo lagu ballaariyay  adeegga as’aasiga ah ee arrimaha bulshada sida caafimaadka, waxbarashada iyo biyaha.

Sidoo kale, wasiirka wasaarada horumarinta caafimaadka, ayaa golaha warbixin ka siiyey xaaladda guud ee caafimaadka Somaliland, isagoo dul istaagay diyaar garowga wasaaradda horumarinta caafimaadku ka gashay sidii looga gaashaaman lahaa ka hortagga caabuqa coronavirus.

Dhinaca kale, guddida arrimaha bulshada ee golaha ayaa warbixin golaha ka siiyay qorshaha dadka baahiyaha gaarka ah leh, iyagoo soo diyaariyay sidii dadkaas looga taageeri lahaa caafimaadka, waxbarashada iyo xirfadaha.

PUNTLAND POST