Madaxweyne Qoor Qoor oo si deg deg ah isu’gu yeeray Golaha Wasiirada Galmudug

Golaha Wasiirada Galmudug ayaa la faray inay si deg deg ah ku yimaadaan magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud.

Madaxweynaha Galmudug ee garabka dowladda Federaalka Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor ayaa Golaha Wasiirada  ku amray in ay ku soo ururaan Magaalada Dhuusamareeb si ay shaqada u sii wadaan ilaa iyo inta uu ka soo magacabayo Golaha Wasiirada cusub.

Wararka laga helayo Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in Madaxweyne Qoorqoor uusan ku deg deggi doonin magacaabidda Golaha Wasiirada cusub inta laga xallinayo khilaafka ka jira dowlad goboleedka Galmudug.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa sidoo kale qorsheynaya in uu wadahadalo la furo dhinacyada ka horyimid hannaankii loo maray doorashadiisa.

PUNTLAND POST