Dareewal Mooto Bajaaj oo lagu dilay magaalada Muqdisho

Wararka ka imaanaya magaalada Xaafada Black Sea  ee degmada Hodan ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in halkaas Kooxo hubeysan ay ku dileen Darawal Mooto Bajaaj.

Rag ku labisan direeska Ciidamada dowladda ayaa la sheegay in saaka Xaafada Black Sea degmada Hodan ee magaalada Muqdisho ku dileen Wiil Bajaajle ahaa waxaana la sheegay in kooxdii dilka geysatay ay Mobile kii ka qaateen Marxuumka ay dileen.

Goob-joogayaal ayaa laga soo xigtay in  kooxda dilka geysatay in ay doonayeen marxuumka in ay ka dhacaan Mooto Bajaajta uu ku shaqeysanayay muran kadibna ay toogteen.

Kooxdii dilka geysatay ayaa goobta ka baxsaday waxaana meydka marxuumka goobta ka qaaday dadka deegaanka oo ku wareejiyay Eheladiisii.

PUNTLAND POST