Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dikreeto uu xalay soo saaray xilka kaga qaaday Agaasimihii guud ee Telefishinka iyo Raadiyaha dowladda Puntland isagoo agaasime ku meel gaar ah u magacaabay.
Dikreetada madaxweyne Deni uu xilka kaga qaaday agaasimihii guud ee PuntlandTV&Radio Jamaal Carab Yuusuf ayuu sidoo kale agaasime ku meel gaar ah ugu magacaabay Daahir Cabdulqaadir Axmed (Daahir Aflow).
Daahir Aflow ayaa agaasime ku xigeen ka ahaa Telefishinka iyo Raadiyaha dowladda Puntland ka hor intaan xalay si ku meel gaar ah loogu magacaabin agaasimaha guud ee PuntlandTV&Radio .
Hoos ka akhriso Dekreetada oo dhammaystiran
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne oo sumaddiisu tahay (Lr.14) kuna taariikhaysan (February 5, 2020) wuxuu xilka kaga qaaday Agaasimaha Tv-ga iyo Raadiyaha Dowladda Puntland.
Madaxweynaha Dowladda PuntlandMarkuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.
Markuu arkay: Baahida loo qabo horumarinta Tv-ga iyo Raadiyaha Dowladda Puntland.Wuxuu xeeriyey:1. Waxaa Jamaal Carab Yuusuf laga qaaday xilka Agaasimaha Guud ee Tv-ga iyo Raadiyaha Dowladda Puntland.2. Waxaa Daahir Cabduqaadir Axmed si ku meel gaar ah loogu magacaabay Agaasimaha Guud ee Tv-ga iyo Raadiyaha Dowladda Puntland.
PUNTLAND POST