Cumar Soomane oo mudda kooban dammaanad lagu sii daayay

Maxkamadda derejada kowaad ee gobolka Nugaal, ayaa maanta oo Khamiis ah dammaanad ku siidaysay weriye, Cumar Maxamed Soomane oo ka tirsanaa Xafiiska Warfaafinta madaxtooyada dowladda Puntland, kadib markii xalay lagu xiray magaalada Garoowe.

Cumar Soomane, ayaa shalay laga rukhseeyay Xafiiska warfaafinta madaxtooyada Puntland, waxaana isla xalay laga qabtay gudaha magaalada Garoowe, isagoo xabsiga la dhigay.

Weriyaha oo maanta la horkeenay maxkamadda derejada kowaad ee Garoowe, ayaa lagu sii daayay dammaanad 7 cisho ah, inta laga baarayo eedaymo la sheegay in loo haysto, sida uu warbaahinta u xaqiijiyay ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha guud ee dowladda Puntland Maxamed Xareed Faaarax.

Xareed oo wax laga weydiiyay arrimaha uu ku eedaysanyahay Cumar Soomane, ayaa sheegay in su’aashaasi laga jawaabi doono kadib markii uu baaritaanku soo dhammaado.

PUNTLAND POST