Beled Xaawo: Waan-waan laga dhex wado ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa Jubaland

Odayaasha Dhaqanka iyo Waxgaradka Degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo ayaa waan-waan ka dhex bilaabay Ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa Jubbaland ee ku wada sugan Gobolkaasi Gedo.

Ciidamadii Jubbaland oo gelinkii dambe ee Talaadadii isaga baxay Degmada Beled Xaawo iyo ciidanka dowladda Federaalka oo degmadaasi la wareegay ayaa la soo sheegaya in ay meelo isku dhow joogaan.

Ciidamada Jubaland oo aan ka fogayn Degmada Beled Xaawo ayaa waxa laga cabsi qabaa in dagaal dhexmaray ciidamada dowladda Federaalka ee qabsaday Beled Xaawo.

Odayaasha Dhaqanka oo bilaabay kulamo ay labada dhinac la qaadanayan ayaa waxay kula talinayan in laga fogaado wax kasta oo gacan ka hadal keeni kara.

Hoggaanka Dhaqanka ayaa waxay ka diggayan in la carqaladeeyo amniga ay haystaan  bulshada ku nool degmada Beled Xaawo.

PUNTLAND POST