Aqalka Senate-ka Maraykanka oo laalay Dacwaddii loo Haystay Trump

Aqalka Senate-ka Mareykanka ayaa xalay gebi ahaanba laalay labadii danbi ee lagu soo eedeeyey madaxwenye dalkaasi Maraykanka Donald Trump.

52 mudane oo Jamhuuri ah ayaa codka “MAYA” ugu coddeeyay qodobka koowaad ee Trump lagu eedeeyay, halka 48 mudane ay oggolaadeen.

53 mudane oo Jamhuuri ah ayaa codka “MAYA” ugu coddeeyay qodobka labaad ee Trump lagu soo eedeeyay, halka 47 kalena ay oggolaadeen.

Xisbiga Jamhuuriga ahaa hoggaamiya Aqalka Senate-ka Mareykanka halka xisbiga Dimoquraaddigu uu hoggaamiyo Aqalka Wakiilada Kongareyska.

Xubnaha aqalka wakiillada ee dimoqraadiga hoggamiyo ayaa bishii December Senate-ka u soo gudbiyay laba danbi oo ay ku soo oogeen Trump oo kala ahaa; ku takrifalid awooddeed iyo is-hortaagid baadhitaanka congress-ka.

Go’aanka aqalka Senate-ka ayaa soo afjaraya dacwadda ka dhanka ah madaxweyne Donald Trump.

PUNTLAND POST