Maraykanka oo faahfaahin ka bixiyay duqeyn uu ka fuliyay Jubada Hoose

Dowladda Maraykanka ayaa faah faahin ka bixisay duqayn ay ka fulisay degaan ku yaala duleedka magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Qoraal ka soo baxay Taliska ciidamada Maraykanka ee Afrika ee loo yaqaano (AFRICOM) ayaa lagu sheegay in duqayntaas oo dhacday maalinnimadii talaadada ahayd ee ay taariikhdu ku beegnayd 4ta Febraayo 2020 oo shalay ku beegneyd lagana fuliyay deegaanka Beer Xaani oo ku yaalla galbeedka Kismaayo.

Sidoo kale qoraalka AFRICOM waxaa lagu sheegay in duqayntaas lagu dilay xubin ka tirsan ururka Al Shabaab hayeeshee aysan wa khasaaro ah ka soo gaarin dad rayid ah.

Sidoo kale Maraykanka ayaa sheegay in uu sii wadi doono hawlgallada ka dhanka ah ururka Al Shabaab iyaga oo tageero siinaya ciidamada xoogga dalka ee ku hawlan cirib tirka kooxdan argagixiso.

PUNTLAND POST