
Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Galmudug waxaa kulan gaar ah ku yeeshay Madaxweynaha cusub ee Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor iyo saraakiisha Ciidamada ee ku sugan degaanada maamulkaas.
Arrimaha looga hadlayay Kulank waxaa kamid ahaa in la dardar geliyo howlaha Sugidda Amniga Dowlad Goboleedka Galmudug.
Madaxweyne Kaariye waxa uu saraakiisha iyo ciidamada ku bogaadiyay kaalintii ay ka qaateen Xasilinta Amniga degaanada Galmudug gaar ahaan waqtii lagu guda jiray Doorashada.
Sidoo kale saraakiisha Ciidamada ku sugan Magaalada Dhuusamareeb waxa uu ka dalbaday in ay si midaysan ula shaqeeyaan maamulka cusub ee Galmudug.
Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor waxa uu ballanqaaday in uu muhiimad weyn siinayo Ciidamada Ammaanka, waxaana uu sheegay in qorshihiisa ay kamid yihiin sidii Al-Shabaab ay uga qabsan lahaayeen deegaanada ay kaga sugan yihiin Galmudug.



PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.