Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir oo baaq degdeg ah u jeediyay dowladda Soomaaliya

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku dhaliilay in ay u gurman wayday Ardayda Soomaaliyeed ee ku go’doonsan gobolka Wuhan ee dalka Shiinaha oo uu si xawliya ugu faafayo Caabuqa dilaaga ah ee Corona Virus.

Waxay Ardayda Soomaaliyeed ee ku go’doonsan Gobollka Wuhan ee dalka Shiinaha ii sheegeen in aysan ilaa iyo haatan gurmad ka helin dawlada Federaalka ah. Waxay kaloo ii sheegeen in Gobolku uu karantiil ku jiro oo si shakhsi ah looga bixi karin, in ay safaarada dalkaada kaa saarto mooye. Waxay ii sheegeen in dawladaha tabarta yar sida Falastiin Yaman iyo Ciraaq ay dawlado kale la kaashadeen oo ay dadkoodii la baxeen.” Ayuu Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Hoggaamiyaha Wadajir, ayaa mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya ugu baaqay, in ay waajib iska saran samata-bixinta Muwaaddiniinta ku go’doonsan Wuhan,islamarkaana si deg deg ah ugu gurmadaan, maadaama ay iyagu matalaan magaca Qaranka Soomaaliyeed.

Madaxda Dawladda Federaalka ah maadama ay magacii Qaranka maanta iyagu dawlada Soomaaliya ku metalayaan waajib ayaa ka saaran samata bixinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Wuhan ku go’doonsan. Dadka gudaha dalka jooga ee dhibaatooyinka caynkaan ahi la soo derisaan, gurmad ayey walaalahooda kale ee Soomaaliyeed ka helaan.”

 “Laakiin ardayda Gobolka Wuhan ku go’doonsan dawlad keli ah ayaa u gurman karta. Qaran aad magaciisa ku badbaadayso, haddii maalinta aad ugu baahi badan tahay gacan kuu fidin waayo, ma jirto sabab uu macno kuugu sameeyo.”Waxaa la sheegay in Corona Virus ka uu maalintii 3895 ku dhaco. Dawladu degdeg ha ugu gurmato ardaydaas Soomaaliyeed.” ayuu sii raaciyay Hoggaamiyaha Wadajir.

PUNTLAND POST