Booliska Puntland ayaa Garowe ku xiray Cumar Maxamed Soomane oo ahaa weriyihii gaarka ahaa ee Madaxweynaha Puntland.
Xariga Soomane waxaa noo xaqiijiyey Booliska gobolka Nugaal, waxayna sheegeen in loo hayso eedeymo la xiriira warar lid ku ah Puntland oo u diray warbaahinta Muqdisho.
Maalintii shalay weriye Cumar Soomane ayaa bartiisa Fecebook-ga soo dhigay qoraal uu ku sheegay in uu raaligalin kaga bixinayo war uu u diray mid kamid ah warbaahinta Muqdisho.
Soomane inta uusan dhawaan noqon shaqaale ka tirsan Madaxtooyada Puntland, wuxuu ahaa Suxufi ka howlgala warbaahinta madaxa bannaan ee Soomaalida.
PUNTLANS POST
You must be logged in to post a comment.