Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in Kenya fara-gelin ku hayso dalka

Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa sheegtay in ay ka xuntahay fara-gelin Siyaasadeed oo ay ku eedaysay in dowladda Kenya ka waddo gudaha dalka Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya, waxay sheegtay in fara-gelintaasi aysan u wanaagsaneyn xiriirka labada dal iyo Xal u helidda Mushkiladaha gobolka oo ay ku jirto la’dagaallanka Argagixisada.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya, ayaa sidoo kale ku baaqay  in laga wada- shaqeeyo Nabadda iyo Barwaaqada labada dhinac, islamarkaana wixii labada dowladood ka dhexeeya loo maro hannaan sharciga waafaqsan.

Qoraalka ay soo saartay dowladda Soomaaliya, ayaa dhinaca kale Kenya uga digaya, in aysan ciidamadeeda magaca AMISOM huwan u adeegsan arrima siyaasadeed iyo khal-khal gelinta Amniga gudaha Soomaaliya.

Ugu dambeyntii, Soomaaliya waxay ku hanjabtay in aysan aqbali doonin fara-gelin iyo khal-khal abuuris in laga sameeyo dalkeeda.

PUNTLAND POST