Wasaaradda Waxbarashada Puntland, ayaa maanta beenisay war ku saabsan 150 arday oo shalay u ambo baxay magaalada Muqdisho, kuwaas oo la sheegay inay shahaado u doonteen Wasaaradda Waxbarashada dowladda Federaalka Soomaaliya.
Agaasimaha tacliinta sare ee Puntland, Maxamed Axmed Warsame Shirdoon oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in ardaydaas ay yihiin kuwa deeq waxbarasho ka helay dalka Turkiga oo ay ufududeeyeen Wasaaradda Puntland iyo shirkad gaar ah loo leeyahay.
“ Ma jiraan Arday Reer Puntland ah oo XAMAR ugu dhoofay si ay Imtixaan u galaan. Ardaydaas aniga oo Agaasimaha Tacliinta Sare iyo Deeqaha Waxbarashada ah iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Puntland ayaa sagootinnay. Waxaan u sagootinay dalka Turkiga waxayna heleen Deeq Waxbarasho” ayuu yiri Agaasimaha.
Dhinaca kale, Agaasime Shirdoon ayaa Wasaaradda Waxbarashada dowladda Federaalka Soomaaliya, waxa uu ku eedeeyay, in ay musuq maasuq ballaaran ku samaysay Saami-qeybsiga Deeqaha Waxbarasho ee Caalamku siiyo Soomaaliya.
Hoos ka daawo hadalkiisa oo dhan
PUNTLAND POST