Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta magaalada Nairobi kulan kula qaatay Safiirka Sacuudiga u fadhiya Nairobi Ambassador Dr. Mohamed Abdulghani khayaad.
Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Puntland, ayaa lagu sheegay in madaxweyne Deni iyo Ambassador Dr. Mohamed Abdulghani, ay kulankooda uga wada-hadleen arrima ku saabsan xoojinta xiriirka Ganacsi ee ka dhexeeya Puntland iyo Sacuudiga, gaar ahaan sidii xoolaha Puntland loo geyn lahaa suuqyada Sacuudiga.
Sidoo kale, Qoraalka ayaa lagu sheegay in kulanka looga hadlay iskaashiga labada dhinac ee horumarinta mashaariicda Puntland u baahantahay iyo in ganacsatada Sacuudigu maalgashi ka sameeyaan gudaha dalka, gaar ahaan Puntland.
PUNTLAND POST