Musharraxii saddexaad oo soo dhaweeyay doorashadii Qoor Qoor

Cabdullaahi Faarax Wehliye oo ka mid ahaa afartii musharrax ee qaaddacay doorashadii Galmudug ayaa ka hadlay xaaladda guud ee maamulkaasi iyo doorashadii lagu doortay Qoor Qoor.

Wehliye oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa marka hore ku soo dhaweeyay doorashadii Dhuusamareeb ee lagu doortay Qoor Qoor, isagoo sidoo kale u hambalyeeyey.

Anigoo og wadadii dheereed ee loo soo maray isku keenista Galmudug, isla markaana ilaalinaya midnimada iyo wadajirka Galmudug waxaan umadda Soomaaliyeed gaar ahaan reer Galmudug u cadeynayaa inaan soo dhoweynayo natiijadii kasoo baxday doorashadii Madaxweynaha iyo Madaxweyne Kuxigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug ee lagu doortay Axmed Cabdi Kaariye iyo Cali Daahir Ciid” ayuu yiri Weheliye.

Sidoo kale qoraalkan ayuu Cabdullaahi Faarax Wehliye uga hadlay marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay Galmudug, wuxuuna tilmaamay inuu isagu gartay inuu tanaasulo, si loo soo afjaro khilaafaadka la dagay horumarka maamulkaasi.

waxaan kamid noqday musharaxiintii usoo istaagey xilka Madaxweynaha Galmudug 2020-2024, hase ahaatee masuuliyiintii Dowladda Dhexe iyo Gudoonka Baarlamaanka Galmudug waxaan ku kala fikir duwanaaney qaabka loo marayo Doorshada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka, sidaas ayaana uga haray Doorashadii Galmudug ka dhacday 02-02-2020 ee lagu doortay Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa” ayuu sii raaciyay.

Ugu dambeyntii, wuxuu si gaar ah ugu mahadceliyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo uu sheegay, in uu dadaal badan geliyay doorashada Galmudug “Waxaan mar kale si gaar ah ugu mahad celinayaa Raysulwasaaraha XFS dadaalkii aan qiyaasta laheyn ee uu geliyey Galmudug waxaan leeyahay mirihiisii waa la gaarey ee aan xajino Inshallah.”

Sidoo kale, Musharrixiinta ka ah Kamaal Daahir Guutaale iyo Cabdi Dheere ayaa horay u soo dhaweeyay doorashadii uu ku soo baxay Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, inkastoo ay sheegeen in aysan ku qanacsaneyn hannaanka doorashadaasi, haddana waxay tilmaameen in ay danta guud u tanaasuleen.

PUNTLAND POST