Madaxweyne Deni oo dib ugu laabtay Boosaaso

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo labadii todobaad ee u dambaysay safar ku joogay magaalada Nairobi ee caasimadda Waddanka kenya, ayaa Galabta dib ugu soo laabtay magaalada Boosaaso.

Madaxweyne Deni ayaa markii uu ka soo degay Garoonka Diyaaradaha Boosaaso, waxa uu si toos ah ugu gudbay xarunta madaxtooyada, isagoo aan Warbaahinta uga warbixin Safarkiisi magaalada Nairobi ee xarunta dalka kenya.

Mudane Deni, oo 22-kii bishii la soo dhaafay ee January ka dhoofay Boosaaso, ayaa mudadii uu safarka ku joogay Nairobi, waxa uu halkaasi kula kulmay Wakiilada Beesha Caalamka iyo Safiirada dalalka qaarkood u jooga waddanka Kenya, kuwaasi oo uu kala soo hadlay Arrima la xiriira Amniga, Dhaqaalaha iyo Siyaasadda Soomaaliya, gaar ahaanna Puntland.

Sidoo kale, wuxuu Nairobi kula soo kulmay qaar kamid ah Siyaasiyiinta miisaanka ku leh Soomaaliya , xubno ka tirsan Baarlamaannada Soomaaliya & Kenya iyo Jaaliyadda Soomaalida ee ku nool dalkaasi.

PUNTLAND POST