Ugu yaraan afar askari oo Turkish ah iyo 35 Askari oo Siiriyaan ah ayaa lagu soo warramayaa, in ay ku dhinteen dagaal fool ka fool ahoo ciidamada labada wadan ku dhexmaray gobolka Idlib ee waqooyi galbeed ee Suuriya.
Sagaal askari ayaa sidoo kale dhaawacyo soo gaareen, kadib markii ciidamada Siiriya ay madaafiic ku garaaceen saldhigyada Milateriga Turkiga, sida laga soo xigtay war ka soo baxay wasaaradda Gashaandhiga Turkiga.
Madaxweynaha Turkiga Rajab Dayib Ergogen ayaaa sheegay in ciidamadiisu ay bartilmaameesadeen 40 xarumood oo ay leeyihiin ciidamada Siiriya iyagoo kaga aargudanaya weerarka ay ku soo qaadeen ciidamada Turkiga.
“ Ma Aamusayno, waxaanu sii wadaynayaa jawaabaha milateri ee aanu ka bixinayno gardarada Rajiimka Siirya , Waan u sheegnay Ruushka inay noo baneeyaan wadayada oo aysan garab istaagin” ayuu yiri madaxweynaha Turkiga
Ciidamada Turkiga ayaa ka howlgala Gobolka Idlib oo ay gacanta ku hayaan mucaaradka Suuriya. Gobolkaas waxaa ku nool ilaa 3 Milyan oo qof oo u Badan barakacayaal ka soo cararay gobolada kale ee Siiriya.
PUNTLAND POST