Madaxweynaha shalay la doortay ee dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in uusan diyaar u ahayn in uu cid gaar ah u jawaabo ama eed u jeediyo balse uu wada-hadal la furi doono cid kasta oo tabasho qabta.
Mar la waydiiyay xiriirka kala dhexeeya Dawladda Federaalka Soomaaliya ayuu tilmaamay inuu Dawladda dhexe ku bogaadinayo sida ay u qabatay doorashada Galmudug.
“In aan xiriir la leeyahay Dawladda dhexe waxaan u arkaa inay sharaf ii tahay, maadaama nidaamka dalkeena ka jiraa uu yahay mid Federaal ah oo Dawladda dhexe hormuud u tahay” ayuu yiri Madaxweyne Qoor-qoor.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay nidaamka doorasho ee lagu doortay in uu yahay mid wax laga taban karo sidaasi darteedna uu cid kasta kala hadli doono tabashadeeda.
PUNTLAND POST