NISA: Axmed Diiriye ayaa xilalkii ka qaaday qaar kamid ah hoggaamiyaasha Shabaab

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Soomaaliya (NISA) ayaa sheegtay in hoggaamiyaha Al-shabaab uu xilalkii ka qaaday qaar kamid ah madaxda ururkaas.

Bayaan kooban oo NISA soo dhigtay barteeda Twitter-ka ayey ku sheegtay in hoggaamiyaha Al-shabaab Axmed Diiriye uu ka saaray Mahad Karatay iyo Bashir Qorgaab Golaha fulinta Al-shabaab, sidoo kale uu ka qaaday dhammaan xilalkii ay hayeen.

NISA, waxay sheegtay in ay ka dambeysay xilal ka qaadida Mahad Karatay iyo Bashir Qorgaab, markii ay ka dalbadeen hoggaamiyaha Al-shabaab in uu joojiyo qaraxyada Muqdisho.

“Axmed Diiriye, horjoogaha argagixisada Al-shabaab ayaa ka saaray Mahad Karatay iyo Bashir Qorgaab Golaha fulinta xarakada, kana xayuubiyay dhammaan xilalkii ay ka hayeen xarakada, kadib markii ay ka dalbadeen horjoogaha Al-shabab, joojinta qaraxyada joogtada ah ee lagu beegsado shacabka Muqdisho” ayaa lagu yiri qoraalka NISA.

Qoraalka ka soo baxay NISA

Ma jiraan ilo madax bannaan oo xaqiijinaya warka hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Soomaaliya.

PUNTLAND POST