Maraykanka oo faahfaahin ka bixiyay duqeyn uu ka gaystay gobolka Jubada dhexe

Taliska Ciidanka Mareykanka ee Qaaradda Afrika ee loo yaqaano AFRICOM, ayaa faah faahin ka bixiyay duqeyn diyaaradeed oo maalintii shalay aheyd uu ka fuliyay, degaan ka tirsan gobolka Jubbada Dhexe.

Qoraal  kasoo baxay AFRICOM, ayaa  lagu sheegay in duqeynta ay ka dhacday meel ku dhow Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe, isla markaana lala beegsaday fariisin ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-shabaab.

Sidoo kale, AFRICOM ayaa intaas kusii dartay in duqeynta lagu dilay hal xubin oo ka tisran Al-shabaab, waxaana Qoraalka Mareykanka lagu sheegay in duqeyntaas ay la kaashadeen Ciidanka dowladda.

Waxaa kale oo  Taliska Ciidanka Mareykanka ee qaaradda Afrika uu sheegay, in duqeyntaas laga fuliyay Gobolka Jubadda Dhexe aysan wax khasaaro ah kasoo gaarin dadka rayidka ah.

Mareykanka ayaa tan iyo markii uu bilowday sanadkan ee 2020 duqeymo dhowr ah ka fuliyay degaano ka tirsan gobolka Jubbada Dhexe, kuwaasi oo qaarkood uu Khasaaro kasoo gaaray xubno ka tirsan Al-shabaab.

PUNTLAND POST