Xassan Sheikh oo ka digay in Galmudug laga dhiso maamulo is-diiddan

Madaxweynihii hore dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheikh Maxamuud oo ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee Galmudug, ayaa ku baaqay in xal rasmiya laga gaaro khilaafka ka taagan doorashada dowlad goboleedka Galmudug.

Mudane Xasan Sheikh ayaa sheegay in aan la joogin waqtigii khilaaf lagu kala geyn lahaa dadka Galmudug, waxaana uu ka digay in la dhiso maamulo iska soo horjeeda oo caqabad ku noqda geedi-socodka Galmudug.

Waxa uu tilmaamay in duruufo kala duwan loosoo maray dhismaha Dowlad Goboleedka Galmudug, maantana aan la joogin waqtigii dib loogu celin lahaa halkii laga keenay Galmudug sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa uu rajo wanaagsan ka muujiyay in la dhameeyo cabashooyinka ka soo yeera Galmudug, wax walibana xal looga dhigi doono dastuurka dalka.

PUNTLAND POST