Maqaal: Taariikhda dawladnimada – Qaybtii 1aad

HORDHAC

Tan iyo markii ugu horraysay ee uu Aadanuhu dunidaan guudkeeda yimid garashada iyo garaadkiisu waxa ay ahaayeen kuwo si joogtaa isula baddalayay wadcigii iyo waaqicii hadba ku xeernaa. Mar walba xaalad qallafsan ayuu uga gudbayey mid ka sahlan kolka uu barto xeerar iyo qawaaniin cusub oo uu waayo-aragnimada nolasha ka kasbaday. Maamulka, dawladnimada iyo fahanka siyaasaddu na sidaas si la mida ayay iyana isula baddalayeen kobaca garashada Aadanaha. Hadba marxalad cusub oo siyaasadeed ayuu uga gudbayey mid kale, marka uu si ka wacan tii hore u maareeyo midda uu markaa ku sugan yahay.

Sida caadiga ah waxaa la yiraahdaa Aadanuhu waxa uu uga gaddisanyahay noolaha kale rabitaanka xad dhaafka ah ee uu awoodda iyo maamulka u qabo. Waana kobtii ugu horaysay ee Ibliisku aadanaha ka soo galay, kolkii uu Ibliis Aadan ku yiri “Ma ku tusaa geedka waaritaanka iyo mulki aan dhammaanay” Marka laga hadlayo taariikhda dawladnimada waxaa dib loogu celiyaa askumkii hore ee Aadanaha iyo maraaxiishii nololeed ee uu soomaray. Maraaxishaas waxaa loo qaybiyaa saddex marxalad-nololeed. Saddexdaas marxalad-nololeed ayaynu gundhig uga dhigi doonaa qormadeenaan. Waxa aynu faahfaahin doonnaa marxalad walba iyo inta uu gaarsiisnaa fahankooda dawladnimo. Aakhirka waxa aynu arki doonaa sida uu Aadanuhu uga kala gudbay maraaxiishaan. Waxa aynu arki doonaa dadyow maraaxiishaas ka gudbay illaa ugu dambaynytii ay dhisteen dawlado qiimo badan oo u adeegaya danaha dadkooda. Waxa aynu arki doonaa dadyow wali taagaan kobtii laga askumay iyo kuwo kale oo meel dhexe ku haray. Saddexda marxaladood ee aynu saldhigga uga dhigi doonno qormadeena waa saddex marxaladood oo ay bulsho-yaqaanadu u qaybshaan bulshooyinka marka ay ka hadlayaan taariikhdoodii hore. Marxadda koobaadi waa marxaladdii bilowga ee loo yaqaan “Bulsho Kooxo ah” (Band Level Societies). Si kale haddii aynu u niraahno waa “Ugaarato-Qaraabatadii” (Hunters-gatherers) uu qaraabka iyo ugaarsigu noloshu u ahaa. Marxadda taa ku xigtaana waa midda loo yaqaan Bulsho Qabaliya (Tribal Level Societies) oo ah xilligii uu qabiilku saldhigga u ahaa bulshooyinka noloshooda siyaasiga ah. Marxaladda ugu dambaysaana waa “Bulsho Dawlad ah” (State Level Societies.) Saddexdaan marxaladood midda ugu dambaysa oo ah bulshada dawladda ah ayaynu aad ugu dheeraan doonaa, maxaa yeelay iyada ayaa ka turjumi doonta waxa aynu doonayno in aynu sida mugga leh ugaga hadalno oo ah taariikhdii dawladnimada.

Ujeeddo: muhiimadda ugu wayn ee aynu qoraalkaan ka leenahay waxa weeye in akhristuhu faham ku filan ka helo taxanihii taariikheed ee ay dawladnimadu soo martay si macluumaadkaasi ugu sahlo kolka uu rabo in uu qiimayn ku sameeyo nidaam siyaasiya ama dawlad mucayana. Macluumaadkaan waxa uu kaa caawin doonaa in aadan ku dhicin khalad ay in badan oo dadka ka mid ahi ku dhacaan oo ah in dawladnimadeena aad ka rajayso awood dawladnimo oo aanay lahayn adiga oo barbar dhigaya nidaamyo qaangaar ah. Waxa aad kala ogaan doontaa waxa “Somaliya soomaaliya ka dhigay Denmark na Denmark ka dhigay” sida uu Dr. Francis Fukuyama yiraahdo.

Afeef: waxa aan ka afeefanayaa in maqaalkaani si dhab ah uusan hoos ugu gonada dagi doonin taariikhada uu ka hadlayo. Waxa aynu macluumaadka usoo gudbin doonaa si dulmar ah oo aragti guud kaa siin doonta mawduuca. Waxa aynu sidaas u yeelanyaa maqaalka oo aad inoogu dheeraanaya haddii aynu aad ugu gonada dagno taariikhaha.

Haddaba Inta aynaan u galin maraaxishii saddexda ahayd ee aynu niri maqaalka ayaynu saldhig uga dhignay,bal aynu marka hore qeexno waxa ay dawladnimadu tahay, si aynu isu waafajinno taariikhda aynu ka hadlayno iyo maxsuulka dawladnimo ee ka soo baxay.

DAWLAD

Dawlad waxaa la yiraahdaa nidaam siyaasiya oo ay bulsho goob mucayana ka yagleesho si ay u xaqiijiso himilooyinka aasaasiga ah. In kasta oo siyaabo kala gaddisan loo qeexo dawladnimada haddana qeexista ugu wanaagsan waxaa leh bulsho iyo siyaasad yaqaankii reer Jarmal ee Max Weber oo yiri “ dawladi waa cidda kaliya ee leh awoodda baas-abuur ( monopoly on viollence) ee sharciga ah ee kaligeed ka fusha buqcad mucayan ah.” Sida qeexistan ka muuqata dawladi waa cidda leh sharciyad ay ku dhisantahay iyo awood wax maquunisa oo aan lala loolami karin. Kama hadlayno in dawladdu ay tahay mid xoog ku timid ama ay tahay mid heshiis bulsholagu lagu yagleelay. Nooc kasta oo ay ku timaadaba waxaa laga rabaa in ay fuliso himilooyinka aasaasiga ah ee aanay koox ama qaabili toonna kaligood fulin karin sida: Amniga guud, ilaalinta xudduudaha, ilaalinta deegaanka, caafimaadka iyo waxbarashada. Meelo badan oo caalamka ka mid ah waxaa ka jira dawlado xaqiijiyey himilooyinka aasaasiga ah ee ay u jiraan. Meelhaas waxaa ka dhisan dawlado muddo soo jiray oo ka kooban dhadhaabyo is dheeli tiraya, sida dawald sharci iyo sharciyad. Meelaha dawladahoodu aanay lahayn dhisme qadiima ama dawladnimada gadaal ka soo gaaray kama jiraan dawlado si qumman u fulin kara himilooyinka aasaasiga ah. Haddaba aynu eegno kuwa dawladnimada dhidibada u taagay dariiqa ay u soo mareen si aynu u fahanno kuwa taagi kari waayey ama dawlado daciif ahi ay imminka u dhisan yihiin halka ay dhibtu ka haysato.

Mohamed Ahmed Elmi

La soco qabta 2aad.