Magaalada Garowe waxaa maanta oo Sabti ah ka dhacday munaasabad uu xilka kula wareegay Agaasimaha cusub laanta Puntland ee hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Cabdullaahi Cismaan Ismaaciil .
Xil wareejinta waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Duulista Hawada Puntland, Wasiir ku xigeenla Amniga, ku xigeenada Agaasimaha guud ee hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya iyo Taliyaha qeybta dambi baarista ee Puntland.
8-dii bishii Jannaayo 2020 ayaa Cabdullaahi Cismaan Ismaaciil loo magacaabay Agaasimaha cusub laanta Puntland ee hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, halka agaasimihii hore Maxamed Faarax Qambi loo wareejiyay xarunta dhexe ee Muqdisho.
Balse ku simaha madaxweynaha, ahna madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa 25 Janaayo 2020 amar ku bixiyay in la hakiyo munaasabadda xil-wareejinta.
Dikreeto xiligaas ka soo baxday Axmed Karaash ayaa lagu amray Agaasimaha guud ee hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, in uu hakiyo munaasabadda xil-wareejinta laanta hay’addaasi ee Puntland.
Lama oga sababta horey loogu hakiyay xil wareejinta iyo waxa hadda lagu dhammeeyey midna.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.