Faah faahin dheeriya ayaa ka soo baxaysa, Qarax goor dhoweyd ka dhacay Isgoyska Xoosh ee Degmada Dharkeenley ee magaalada Muqdisho, kaasi oo geystay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Qaraxa oo ahaa Miino dhulka la geliyay, ayaa waxa lala eegtay Gaari nooca Soomaalida u taqaano Qooqan oo uu la socday Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir iyo Askar Ilaalo u aheyd.
Goobjoogayaal halkaasi ku sugan ayaa laga soo xigtay, in qaraxas uu dhaawac kasoo gaaray Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda degmadaKaxda Cabdinaasir Xasan Cali, isla markaana ay ku geeriyoodeen laba Askari oo la socday.
Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya, ayaa gaaray Isgoyska Xoosh, waxaana au halkaas soo qaaday dhaawaca guddoomiye ku-xigeenka iyo Meydadka Askartii Ilaalada u aheyd.
Dhinaca kale, wararka laga helayo Isgoyska Ex-Koontarool Balcad ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in halkaasi saaka qarax miino lagula eegtay kolonyo ka tirsan Ciidamada AMISOM, inkastoo aan weli khasaaraha gaaray la xaqiijin.
PUNTLAND POST