Dowladda Soomaaliya oo ku dhawaaqday Olole wacyi-gelin oo ku saabsan dib u-eegista Dastuurka

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya maanta magaalada muqdisho ka bilowday olole ku saabsan wacyigelinta dib-u-eegista Dastuurka KMG ah ee dalka.

Shirkii ugu horeeyay ee looga arrinsanayo ololahaas, oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, aya saaka lagu qabtay magaalada Muqdisho, waxaana shirkaasi oo socon doona mudda saddex cisha ka qaybgalay qaar kamid ah dhallinyarada iyo bahda saxaafadda.

Wasiirka Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka Saaalax Axmed Jaamac, oo si rasmi ah u furay ololaha ayaa ku booriyay dhalinyarada ka qeybagleysa Shirka in ay aad ula socdaan ololaha si ay xog-ogaal ugu noqdaan dhamaystirka dastuurka.

Waxa aan aad ugu faraxsanahay in maanta qaar kamid ah dhalinyarada Soomaaliyeed aan ku bilowno furitaanka ololaha, waxaan dooneynaa in aan wacyigiina kor u qaadno si aad ula socotaan howlaha lagu dhameeystirayo dastuurka islamarkaana aad talo ugu yeelataan qodobada maasiiriga ah ee u baahan in aad ra’yigiina ka dhiibataan” ayuu yiri wasiirku.

Wasiirka ayaa sheegay, in ololahan la gaarsiin doono dhamaan dowlad goboleedyada dalka, si kor loogu qaado wacyiga dadka ee ku saabsan dastuurka islamarkaana loo dhegaysto talooyinkooda.

PUNTLAND POST