Danjiraha dowladda Soomaaliya ee dalka Shiinaha Cawaale Cali Kullane ayaa ka warbixiyay xaaladda dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Shinaha, gaar ahaanna gobolka Wuhan ee uu ka dilaacay caabuqa Korona.
Mudane Kullane ayaa sheegay in gobolka Wuhan ay ku nool yihiin ku dhawaad 40 qof oo Soomaali ah, kuwaas oo u badan arday waxkabarata shan Jaamacadood oo gobolkaas ku yaala, kuwaas oo kala ah 1: Wuhan University, 2: Huazhong University science and technology, 3: Wuhan University of sciences and Engineering, 4: China University of Geosciences 5: Central China Normal University.
Danjire Cawaale Cali Kullane ayaa intaa ku daray in dhamaan muwaadiniintaas ilaa iyo hada ay caafimaad qabaan ayna tilmaamo caafimaad ka helaan hay’adaha caafimaadka ee virus-kan Korona la tacaalaya, sidoo kalena xariir lasoo sameeyaan safaaradooda oo xili walba diyaar ula ah in ay caawiso.
Danjire Cawaale ayaa ugu baaqay muwaadiniintaas in ay qaataan talooyinka caafimaad ay bixinayaan hay’adaha si cudurkaas usii faafin oo loo xakameeyo.
PUNTLAND POST