Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ahna Ku-simaha Madaxweynaha Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Khamiista Maanta ah shir Guddoomiyay Shirka Golaha Wasiirada Puntland.
Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada, ayaa lagu sheegay in Shirka looga hadlay Arrimaha Amniga, Shirkii Dib-u-eegista Waxbarashada, Mashaariicda Horumarinta Degmada Qandala iyo Shirkii Degmooyinka ee ka qabsoomay Boosaaso.
Sidoo kale, Qoraalka ayaa lagu xusay in Shirka lagu ansixiyay qodobo dhowr ah oo ay ka mid yihiin Istaraatijiyada Wacyigelinta iyo Xeerka Dugsiyada Qur’aanka.




PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.