Siyaasiyiin miisaan culus leh oo ka qeyb galay xaflad ka dhacday Nairobi

Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa caawa ka dhacday xaflad lagu soo dhoweynayey Madaxweynaha Puntland iyo wafdigii la socday.

Sida lagu sheegay war ka soo baxay Madaxtooyada Puntland waxaa xafladda soo dhoweynta ah soo agaasimey Guddoomiyaha degmada Gaarisa Cali Bunow Qorane.

Xafladda waxaa kaloo ka qeyb galay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Kenya, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dowladdaha xubnaha ka ah DFS, ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Kenya, siyaasiyiin iyo masuuliyiin kale.

Siyaasiyiinta ka qeyb galay xafladan oo miisaan culus ku leh siyaasada Soomaaliya ayaa wararku sheegayaan in kulamo ay maalmahan ku la haayeen Nairobi uga tashanayeen siyaasada Soomaaliya, gaar ahaan doorashada 2020/2021.

Sidoo kale Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland iyo qaar ka mid ah safiirada Beesha Caalamka oo kulamo gaar gaar ah maalmo ka hor ku yeeshay Nairobi ayaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin doorashada Soomaaliya 2020/2021.

PUNTLAND POST