Jaamacadda Maakhir ma waxay noqotay xarun Ciidan?

Diiwaan-gelinta Ciidamada oo ka socota gudaha Jaamacadda Maakhir

Dowladda Puntland ayaa maalmihii u dambeeyay Guutooyin Ciidamo ah ku xeraysay, Jaamacadda Maakhir University ee magaalada Badhan, si diiwaan-gelin loogu sameeyo Ciidamadaaasi oo ka tirsan kuwa Daraawiishta  Puntland ee gobolka Sanaag.

Arrintaasi ayaa la soo sheegaya, in ay culays ku keentay Jadwalkii Waxbarashada Jaamacadda Maakhir, kadib markii cutubyo ciidamo ah lagu xereeyay qaar kamid ah qolalka wax lagu barto iyo deyrka Jaamacadda, waxaana ay ku soo beegmatay xilli ay furantahay Jaamacaddu oo aysan fasax ku jirin.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil iyo Wasiirka Maaliyadda ahna Gudoomiyaha Gudiga Dib uhabaynta Ciidamada, Xassan Shire Abgaal oo ay weheliyaan Wasiirka Amniga, Cabdisamad Gallan iyo Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Gen Yaasiin Cumar Dheere, ayaa maalmihii la soo dhaafay gudaha jaamacaddaasi ka waday diiwaan-gelinta ciidamada.

Mas’uuliyiinta oo halkaasi hadallo ka jeediyay, ayaa sheegay in Ciidamadu si joogta ah u heli doonaan Mushahar koooda, Daryeel Caafimaad iyo mid agab oo dhamaystiran, kadib markii la diiwaan-geliyo.

PUNTLAND POST