War-saxaafadeed ka soo baxay kulankii madaxda Soomaaliya, Itoobiya iyo Ereteriya

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa baahisay war-saxaafadeed ay sheegtay in laga soo saaray kulankii Saddex geesoodka ahaa ee Asmara ku yeesheen madaxda dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Ereteriya.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Saddexda hoggaamiye 27-ka Jannaayo, 2020 ay yeesheen wadahadallo toos ah oo qotodheer oo ku aaddan xaaladda ka taagan dalalkooda, iskaashiga saddex geesoodka ah ee u dhexeeya iyo arrimaha ka soo cusboonaaday gobolka Geeska Afrika.

Sidoo kale war-saxaafadeedka Villa Somalia ayaa lagu sheegay in Saddexda hoggaamiye ay mar kale ku celiyeen sida ay uga go’an tahay heshiiskii Saddex Geesoodka ahaa ee ay saxiixeen bishii Sebtembar ee sannadkii 2018, waxayna dib u eegeen waxyaabihii ka soo baxay dadaalkooda wadajirka ah ee ku aaddan hirgelintooda.

Saddexda hoggaamiye ayaa war-saxaafadeedku sheegay in ay meelmariyeen Qorshe Hawleed Wadajir ah oo loogu talagalay sannadka 2020 iyo wixii ka dambeeya, kaasi oo xoogga lagu saarayo labada ujeeddo ee isku-dhafan ee adkaynta nabadgelyada, xasiloonida iyo amniga iyo sidoo kale sare u qaadidda horumarka dhaqaale iyo bulsho. Waxa ay sidoo kale ku heshiiyeen inay dardargeliyaan dadaalkooda wadajirka ah si kor loogu qaado iskaashi heer gobol oo wax ku ool ah.

Dhanka ammaanka ayaa war-saxaafadeedka lagu sheegay in saddexda hoggaamiye ay isla qaabeeyeen qorshe sal-ballaaran oo lagula dagaallamayo, lagagana takhalusayo halista guud ee ay wada wajahayaan, oo ay ka mid yihiin argagaxisada, hubka, tahriibinta dadka iyo maandooriyaha.

Dhanka horumarinta dhaqaale iyo bulsheed ayaa war-saxaafadeedka lagu sheegay in ay isku waafaqeen Saddexda hoggaamiye in ay mudnaanta siiyaan abaabulidda khayraadka bini-aadam iyo kan dabiiciga ah ee faraha badan; iyaga oo dhisaya, casriyeynaya, iskuna xiraya kaabayaasha dhaqaalaha iyo waaxaha adeegyada iyo waxsoosaarkaba. Waxay sidoo kale muujiyeen sida ay uga mahadinayaan, diyaarna ugu yihiin la shaqaynta saaxiibbadooda iyo daneeyayaashooda, iyadoo lagu salaynayo is-ixtiraamid iyo kala-faa’idaysi siman.

War-saxaafadeedka ayaa lagu soo gabagabeeyey in Saddexda hoggaamiye ay isku raaceen in ay si dhow ula tashadaan walaalahooda iyo Madaxda Dawladaha kale si loo xaqiijiyo yididdiilada dadkoodu u qabaan helidda Iskaashi dhex mara Geeska Afrika oo wax ku ool ah.

PUMRLAND POST