Shir looga hadlay dhameystirka Dastuurka oo ka dhacay Muqdisho

Shir u dhaxeeyay Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka, Amniga, Cadaladda, Arrimaha Gudaha iyo Federaalka iyo qaar kamid ah hay’adaha UN-ka ayaa maanta waxa uu ka qabsoomay Muqdisho.

Shirka oo uu gudoominayay Wasiirka Arrimaha Dastuurka ee dowladda Faderaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa waxaa looga dooday dhameystirka dastuurka iyo sidii xal-looga gaari lahaa qodobada masiiriga ah ee u baahan in wada-xaajood siyaasadeed laga gaaro.

Ugu horeyn, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Maxamed Abuukar Subeyr ayaa waxaa uu ka qaybgalayaasha shirka u sameeyay soo jeedin ku saabsan qorshaha guud ee Wasaaradda ee ku aadan dhameystirka dastuurka bartamaha sanadkan 2020ka.

Wasiir Saalax Axmed Jaamac oo ka hadlay shirka ayaa sheegay in Xukuumadda Federaalka ay ka go’antahay dhameystirka dastuurka iyada oo loo marayo hannaan wadatashi.

“Waxaa naga go’an dhameeystirka dastuurka inaga oo kaashaneyna wasaaradaha dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyada ee ay quseeyaan inay soo dharaadhiriyaan qodobada dastuurka ee u baahan in xal siyaasadeed laga gaaro, sanadkan waxa aan dooneynaa inaga dowaladda dhexe iyo dowlad goboleedyada oo wadajira inaan dastuurka qabyo tirno” ayuu yiri Wasiir Saalax.

Dhanka kale, waxaa shirka ka hadlay agaasimayaasha guud ee Wasaaradihii ka soo qaybgalay shirka iyo masuuliyiin ka socday UN-ka iyaga oo sheegay inay Wasaaradda Dastuurka kala shaqayn doonaan fulinta qorshaha u degsan sanadkan.

Ugu dambayn, waxaa lagu ballamay in la dardargeliyo howlaha dhemeeystirka dastuurka iyada oo lagu shaqeeynayo hannaan wadatashi oo lala sameeynayo shacabka Soomaaliyeed.

PUNTLAND POST