Kheyre oo Muqdisho ka furay mashruuc ay ku baxayso $1.6 Milyan

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta Muqdisho ka furay mashruuc lagu maal gelinayo 340 dhallinyaro Soomaaliyeed ah oo soo bandhigay hal abuur ganacsi oo guuleystay, sida lagu sheegay war-saxaadadeed ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaare Kheyre.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay fulineyso barnaamijkan, ayna maal gelinaysa Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Maraykanka (USAID) oo ku binaysa $1.6Milyan (Hal Milyan iyo Lix boqol oo kun oo doolar), ayna ka qayb qaadanayaan qaar ka mid ah shirkadaha ganacsiga Soomaaliya.

Waxaa la sheegay in mashuurcaan uu qayb ka qaadanaya horumarinta dhaqalaha dalka, Kobcinta dhaqaalaha qoyska, abuuridda fursado shaqo, iyo in dhallinyarada Soomaaliyeed ay ka fogaadaan dembiyada iyo xagjirnimada.

Dhallinyarada ka faa’iideysanaya Barnaamijkaan ayaa la sheegay in ay ka yimaadeen dhammaan gobollada Soomaaliya, waxaana hal abuurrada ganacsi ee loo maalgalinayo kamid ah Beeraha, kalluumeysiga, Tamarta iyo Tiknoolojiyadda.

PUNTLAND POST