Guddiga dib u-habaynta Ciidamada Puntland oo gaaray Badhan

Gudoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland iyo wefdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray magalaada Badhan ee gobolka Sanaag, halkaasi oo soo dhaweyn loogu sameeyay.

Weftiga Gudoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, waxaa kamid ah xubno ka tirsan Gudiga dib u habeynta Ciidamada oo kala ah Wasiirka Maaliyadda Xasan Shire Cabdi, Wasiirka Amniga Cabdisamad Maxamed Gallan, Taliyaha Ciidanka Difaaca sareeye gaas Yaasiin Cumar Dheere.

Sidoo kalena weftiga waxaa qayb-ka ah Wasiirka Waxbarashada Cabdulaahi Maxamed Xasan, Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiillada iyo xubno kale, waxaana soo dhaweeyey maamulka Gobolka Sanaag, kan degmada Badhan iyo Saraakiisha Ciidanka Dawladda Puntland ee Gobolka Sanaag.

Wefdigan ayaa Badhan u tagay, sidii dib u habayn loogu sameyn lahaa ciidamada kala duwan ee gobolka Sanaag.

PUNTLAND POST