XOG: Villa Somalia oo wajahaysa laba-daran mid dooro

Warbaahinta Puntland Post, ayaa xog dheeriya ka heshay kulamo gaar-gaar ah, oo safiirka Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya, Donald Yukio Yamamoto uu maalmo ka hor  magaalada Nairobi kula yeeshay madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland.

Ilo’ kala duwan oo xog-ogaal ah, ayaa u xaqiijiyay warbaahinta Puntland Post, in safiirka Maraykanka Donald Yamamoto uu madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland u soo jeediyay, in Shir  deg deg ah oo u dhexeeya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalka lagu qabto magaalada Muqdisho, si xal rasmiya looga gaaro khilaafka labada dhinac.

Mr Yamamoto ayaa Deni iyo Axmed Madoobe midba gaarkiisa ugu sheegay, in Maraykanku doonayo, in si dhakhso ah heshiis midaysan looga wada-gaaro nooca doorasho ee Soomaaliya 2020/2021, si  taasi loo xaqiijiyana ay marka hore muhiim tahay, in la dhammeeyo khilaafka dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka.

Labada madaxweyne ee Puntland iyo Jubaland ayaa la xaqiijiyay in ay jawaabo isu’eg siiyeen safiirka Maraykanka, kuwaasi oo ah in ay diyaar u yihiin shirkaasi, balse dhinaca dowladda Federaalka ay wax kasta ka socon waayeen, islamarkaana aysan ogolayn in tanaasul iyo wada-tashi wax lagu dhammeeyo.

Safiirka Maraykanka Donald Yamamoto, ayaa dhankiisa u sheegay  Deni iyo Axmed Madoobe, in uu dhowaan la kulmi doono madaxda sare ee dowladda Federaalka, isagoo u ballan-qaaday in uu Villa Somalia go’aan cad ka keeni doono, dabadeedna uu ku soo war-celin doono Puntland iyo Jubaland.

Villa Somalia ayaa diiddan in ay hor-fariistaan madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe oo doorashadiisi dambe ay aqoonsan waayeen, balse haddii Mr Yamamoto uu ku qanciyo shirkaasi oo Axmed Madoobe qeyb ka yahay waxa ay guul siyaasadeed u noqon doontaa Jubaland.

Sidoo kale, haddii Villa Somalia diiddo in shirkaasi la qabto, waxay wajihi doontaa cadaadis xooggan oo kaga furmayaa dhinaca Beesha Caalamka oo doonaysa in si dhakhso ah looga heshiiyo nooca doorasho ee dalka ka dhici doonta 2020/2021-da.

PUNTLAND POST