Afar ka mid ah musharaxiinta madaxweynaha Galmudug oo Jimcihii shalay isugu yimid kulan ay ku falanqeeyeen xaaladda jaha wareerka ah ee ka jirta Galmudug, ayaa sheegay in ay qiimeynayaan natiijadii ka soo baxdey baaqyadii iyo codsiyadii musharxiintu ay horey u gudbiyeen.
Musharaxiinta kala ah Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa, Cabdullaahi Faarax Wehliye, Kamaal Daahir Guutaale, iyo Cabdi Axmed Cabdi Dheere, ayaaa sheegay I nay isla garteen in ay kaliya ka qeybgeli karaan doorashada lagu wado in Galmudug ay ka dhacdo todobaadyada soo socda haddii la helo shuruudo ka kooban 6 qodob.
Shuruudaha musharaxiinta ayaa waxaa ugu weyn In la sameeyo guddi doorasho cusub, kaasoo ay ku midaysan yihiin dhinacyada kala duwan ee ay doorashadu khusayso, ayadoo si wada-oggol ah la iskula meel-dhigayo jadwalka iyo habraacyada doorashada.
Musharaxiinta ayaa sidoo kale dalbaday in Ahlu-Sunna Waljamaaca ay qeyb ka ahaato hanaanka iyo habsami u socodka hawlaha dhiman.
Waxa ay sidoo kale dalbadeen, In la helo dhinac 3-aad oo korjoogteeya arrimaha doorashada Galmudug, si looga hortago wax isdaba-marin, musuqmaasuq, laaluush iyo adeegsi awood loo isticmaalayo arrimaha doorashada iyo codbixiyaasha.
Hoos ka akhriso war-murtiyeedkooda

PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.