Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta oo Sabtiya akhrinta koowaad marsiiyaan Hindise sharciyeedka Hay’adda duulista Rayidka ah ee Soomaaliyeed.
Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya, Axmed Macallin Xasan oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in sharcigaan uu muhiim u yahay dalka,isagoo aqalka sare ka codsaday in ay meel mariyaan si adeegyo badan oo hadda aysan awood u laheyn ay ugu qabtaan bulshada.
Xildhibaannada Golaha Aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa horay usoo meelmariyay sharciga Hay’adda Duulista Rayidka, waxaana la filaa in Aqalka sare uu meel mariyo kaddib markuu marsiiyo heerarka Akhrinta ee uu mudanyahay.
PUNTLAND POST