Madaxweyne Deni iyo Safiirka Ingiriiska oo kulan ku yeeshay Nairobi

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay magaalada Nairobi ee dalka Kenya kulan kula qaatay safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya Ambassador Ben Fender iyo saraakiil ka socotay safaaradda dalkaasi.

Sida lagu sheegay war ka soo baxay Madaxtooyada Puntland, Madaxweyne Deni iyo Ambassador Ben Fender ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya, dardargelinta mashaariicda horumarineed ee dowladda Ingiriisku ka taageerto Puntland ee dhinacyada caafimaadka, daweynta xoolaha iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.

Sidoo kale kulanka ayaa looga hadlay dib u milicsiga waxyaabihii qabsoomay, dhammaystirka mashaariicda hadda socota iyo qorshaynta mashariic horleh.

Madaxweyne Deni waxaa kulankaasi ku wehelinayey masuuliyiin ka tirsan Golaha fulinta iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed ayaa Nairobi kulamo gaar-gaar ah kula yeelanaya safiiro ka socda Beesha Caalamka.

PUNTLAND POST