Madaxweyne Xaaf oo ku baaqay in la joojiyo hawlaha doorashada Dhuusamareeb

Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug, Axmed Ducaale Geelle (Xaaf), ayaa ku baaqay in la joojiyo, dhammaan hawlaha doorashada ee ka socda magaalada Dhuusamareeb, islamarkaana dadka reer Galmudug ay isu’gu yimaadan gobol dib u-heshiisiineed, si loo dhammeeyo khilaafka dhexdooda ah.

Madaxweyne Xaaf, ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya, ay fara-gelin qaawan ku hayso dowlad goboleedka Galmudug, taasi oo sida uu sheegay keentay qeyb-sanaanta bulsho iyo tan maamul ee uu wajahayo maamulkaasi.

Sidoo kale, Xaaf ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay, in ay musuq maasuqday liiska saxda ah ee odayaasha dhaqanka Galmudug, kuwaasi oo ay qaarkood meesha ka saartay, si ay u soo xulato xildhibaannada cusub ee Baarlamanka Galmudug.

Mudane Xaaf, ayaa tilmaamay in qaar kamid ah xildhibaannada ay soo xulatay Villa Somalia, ay yihiin dareewaliintii iyo ilaaladii gaarka ahayd ee madaxda sare dowladda Federaalka, loona diyaariyay in ay madaxweynaha Galmudug u doortaan wasiir ka tirsanaa xukuumadda Khayre oo hadda u taagan doorashada madaxtinimada  Galmudug.

Dhinaca kale, wuxuu soo dhaweeyay culimaa’uddiinka Ahlusunna iyo musharrixiinta qaarkood oo qaaddacay doorashada madaxtinimada Galmudug, kadib markii ay sheegeen in Villa Somalia afduubtay hawlihii doorashadaasi.

PUNTLAND POST