Jabhadda ONLF oo ku biirtay Isbahaysi ballaaran oo looga dhawaaqay Ethiopia

Hoggaanka sare ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (ONLF), ayaa shaaciyay in ay si rasmiya ugu biireen, Isbahaysi ku dhisan Nidaamka Qowmiyadaha badan oo looga dhawaaqay dalka Ethiopia

Gudoomiyaha Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia Dr. Cabdiraxmaan Sheikh  Mahdi Maadeey,  ayaa saxiixa ku duugay ku biirista Isbahaysiga oo la magac baxay Alliance Multination Democractic Federalism (AMDF)

Isbahaysigan noocan u dhisan, oo ah kii ugu horeeyay ee ka hirgala waddanka Ethiopia, waxaa ku bahoobay, ururro badan oo aaminsan nidaamka Federaalka, Xoriyada, Sinaanta, Cadaalada iyo hirgelinta Dimuqraadiyada, waxaana Arbacadii shalay lagu as’aasay magaalada Addis Ababa ee caasimada dalkaasi.

Ururada ku midaysan Isbahaysigan cusub, oo dhammaantood aaminsan Aayo ka tashiga dadkooda, ayaa qaarkood halgan hubaysan u soo galeen sidii ay Qowmiyadahooda uga dul qaadi lahaayeen dhibaatooyinkii ay u gaysteen dowladihii soo maray Ethiopia.

Isbahaysigan Alliance Multination Democractic Federalism (AMDF), ayaa  lagu tilmaamay in uu noqon doono midka ugu balaarran ee kulmiyay ururada Qowmiyadaha ku dhisan ee Ethiopia, kuwaasi u taagan hirgelinta Nidaamka Federaalism-ka iyo Dimuqraadiyada dalkaasi.

PUNTLAND POST