GEN. Odowaa oo la shiray saraakiisha Maraykanka ee Ballidoogle

Taliyaha Ciidamada Militariga dowladda Federaalka Soomaaliya Generaal Odowaa Yuusuf Raage ayaa gaaray Saldhigga Balidoogle oo ay ku sugan yihiin Ciidanka Kumaandooska DANAB.

Taliyaha wuxuu Kulamo la qaatay saraakiisha iyo Ciidamada waxaana  uu bogaadiyay askarta iyo Saraakiisha Kumaandooska ee ka hawlgala Ballidoogle isagoo ku boorriyay in ay soo xoojiyaan hawlgallada ka dhanka ah Al-shabaab.

Sidoo kale, Taliyaha ayaa halkaas kulamo kula qaatay Howlgalada Mareeykanka iyo Amisom kuwaasi oo looga hadlay sidii loo dardargalinlahaa dagaalka ku jihaysan Al-shabab

Jeneraal Odawaa ayaa wuxuu kormeer ku sameeyay dhammaan qeybaha ay ka kooban tahay xerada Balidoogle oo ah taliska guutada 16-aad ee kumaandooska.

PUNTLAND POST