Warar dheeraad ah laga helayaa, duqeymo xooggan oo xalay ka dhacay degaanno ka tirsan gobolada Shabeellada Hoose iyo Jubbada Dhexe, kuwaas oo lala beegsaday saraakiil iyo Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab.
Degaanada duqeymaha lala beegsaday waxaa kamid ah Saakow, Hargeysa-yarey, iyo degaano u dhexeeya Jilib iyo Bu’ale oo ka tirsan gobolka Jubbada Dhexe.
Duqeynta koowaad ayaa ka dhacday, tuulada lagu magacaabo Hargeysa-yarey, waxaana la sheegay in halkaas lagu burburiyey xarun Maleeshiyaadka Al-Shabaab ay ku lahaayeen duleedka degaankaas.
Wararku waxay intaas ku darayaan, in duqeynta ay ku dhinteen saraakiil iyo malayshiyaad ka tirsan Al-shabaab oo degaanka ku sugnaa.
Sidoo kale, degmada Saakow waxa la soo weriyay in duqeyn lala beegsaday xarun kale oo Maleeshiyada Al-Shabaab ay ku lahaayeen, Xeradaas ayaa waxaa ugu keydsanaa hub badan, kaas oo duqeynta lagu burburiyey.
PUNTLAND POST