Ahlusunna oo sheegtay in ay doorasho kale ka qaban doonto Galmudug

Guddiga doorashada Galmudug, garabka Ahlusunna Waljamaaca ayaa soo saaray Jadwalka Doorashada Madaxwaynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka Galmudug.

Guddiga ayaa sheegay in 23-24 January la qabanayo araajida musharixiinta madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Galmudug.

25-28 January ayey guddiga sheegeen inay ku diyaar garoobayaan musharixiinta si ay u sameeyaan ololahooda.

29 January ayaa lagu sheegay waraaqda kasoo baxday Guddiga Doorashada Galmudug garabka Ahlu Sunna in ay noqon doonto Maalinta la dhegaysanayo khudbadaha musharixiinta halka Maalinta xigta ee 30 january la dhegaysan doono musharixiinta madaxweyne ku xigeenada.

Ugu dambeyntii Guddiga ayaa sheegay in 5 February oo ku beegan maalin Arbaco ah la qaban doono doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenada Galmudug.

PUNTLAND POST