Sida ay xaqiijiyeen ilo’-xog ogaal ah, Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland ,ayaa todobaadkan kulan gaar ah ka yeeshay xallinta Tabashooyinka ay tirsanayaan dadka ka soo jeeda Beesha Harti ee ku nool Jubaland.
Kulanka labada madaxweyne oo Warbaahinta laga qariyay, ayaa looga arrinsaday xal u helidda cabashooyin la sheegay in ay ka yimaadeen odayaasha iyo ganacsatada ka soo jeeda Beesha Harti ee ku dhaqan Jubaland, gaar ahaanna magaalada Kismaayo.
Odayaasha iyo ganacsatada, ayaa madaxweyne Deni horay ugu soo gudbiyay tabashooyin ay ka qabaan maamulka Jubaland, kuwaasi oo ku salaysan u sinnaanta fursadaha dhanka ganacsiga, waxbarashada, shaqaaleysiinta iyo saamiga siyaasadda.
Sidoo kale, waxay qaarkood cabashooyin ka muujiyeen cabburin iyo handadaad ay sheegeen in uu ku hayo maamulka Jubaland cid kasta oo kaga ra’yi duwan arrimaha siyaasadda.
Warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya, in kulanka Deni iyo Axmed Madoobe uu ku soo dhammaaday isfaham ku aaddan in la xalliyo tabashooyinkaasi, inkastoo aan faahfaahin sii dheer laga helin.
PUNTLAND POST