Guddiga doorashada dowlad goboleedka Galmudug, ayaa maanta shaaciyay jadwalka doorashada madaxtinimada maamulkaasi.
Sida ku cad Shaxda jadwalka ay soo saareen guddiga, araajida iyo taariikh nololeedka musharrixiinta u tartamaya madaxtinimada Galmudug, ayaa la qaban doonaa inta u dhexaysa 22-23-ka bishan January.
Khudbadaha musharrixiinta u tartamaya doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Galmudug, ayaa sidoo kale la dhegaysan doonaa maalmaha 26-27-ka isla January.
Guddiga ayaa sheegaya, in maalmaha 28-29 isla bisha January ay ugu tala-galeen in musharrixiintu ololeeyaan, halka maalinta 30-January la qorsheeyay in ay dhacdo doorashada madaxtinimada Galmudug.
Shaacinta jadwalka ayaa ku soo beegmaysa, xilli ay Ahlusunna diiddantahay habka loo qeybiyay xubnaha guddiga doorashada Galmudug iyo hannaanka dowladda Federaalka u maamulayso doorashada.
Hoos ka akhriso Jadwalka

PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.