Ahlusunna oo qaaddacday doorashada Galmudug

Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir oo qoraal soo saaray ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyey inay afduubatay Doorashada Galmudug.

Qoraal ka soo baxday Xafiiska Sheekh Shaakir ayaa lagu sheegay in ay Dowladda Soomaaliya afduubatay soo xulista 69-ka Xildhibaan ee la rabay inay soo xulaan odayaasha Dhaqanka, sidoo kalana ay afduubatay doorashadii Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Warka kasoo baxay Sheekh Shaakir ayaa lagu sheegay in afduub lagu sameeyay Guddigii doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka laguna amray in la magacaabo Guddoomiye u afduubo dowladda Federaalka doorashada Galmudug, iyadoo Guddiga sharciga ahaa uusan u dhameyn.

Sheekh Shaakir ayaa sheegay inaysan qeyb ka aheyn boobka ay wado Dowladda Soomaaliya isla markaasna aysan aqoonsan doonin natiijada kasoo baxdo doorashadaas.

Hoos ka akkriso qoraalka

PUNTLAND POST