DANAB: 12 xubnood ayaan ka dilnay Al-shabaab

Ciidamada Militariga dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedka Jubaland, ayaa isku fidiyay degaano horleh oo ka tirsan gobolka Jubada Hoose, kadib hawlgallo ay halkaasi ka sameeyeen.

Saraakiisha Taliska 16-aad ee Kumaandooska Militariga Soomaaliya, oo ay weheliyaan cutubyo ka tirsan Daraawiista Jubaland, ayaa faahfaahin ka bixiyay  hawl gallo saacadihii u dambeeyay ay ka fuliyeen tuulooyin hoosyimaada degaanka Kamsuuma ee gobolka Jubada Hoose.

Ciidamada ayaa hawlgalladaasi ku qaaday, degaanno ay gacanta ku hayeen dagaallamayaasha Alshabaab, halkaasi oo iska hor-imaadyo ku dhexmareen labada dhinac.

Taliyaha Ururka 5aad ee Guutada 16aad Ciidanka Kumaandooska DANAB, Xasan Aadan Maxamed (Ciraaqi) oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in howlgalka ay ku dileen illaa 12 ka tirsan Al-Shabaab, tiro intaasi ka badana ay ku dhaawaceen.

Taliyaha ayaa sheegay, in Ciidamadu ay la wareegeen tuulooyin degaanka Kamsuuma u jira qiyaastii  37KM kuwaasi oo kala ah Malaayley, Janaale Gaay, Reerneerow, Bandar Jadiid iyo Bengaani.

Sidoo kale, Taliyaha ayaa intaa ku daray in ciidamada inta howlgalka sameynayeen ay ku soo saareen illaa 9 Miino oo wadada lagu aasay.

PUNTLAND POST