Boosaaso: Shirkii Puntland iyo Jubbaland oo maanta laga soo saarayo War-murtiyeed

Ilo’ wareedyo ku sugan Boosaaso, ayaa warbaahinta Puntland Post u xaqiijiyay, in Isniinta maanta ah la shaacin doono war-murtiyeedka shirkii Iskaashiga Puntland iyo Jubbaland ee Sabtidii todobaadkan ka qabsoomay magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

Shirka waxaa ka qeyb-galay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo ay weheliyaan wasiiro ka socda labada xukuumadood, waxaana looga hadlay iskaashiga labada dowlad goboleed, arrimaha doorashada Soomaaliya ee 2020/2021-da, Sharciga Batroolka, dib u-eegista Dastuurka KMG ah ee dalka, deeqaha lagu helo magaca Soomaaliya, iyo khilaafka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada.

Dadka odorosa Siyaasadda, ayaa sheegaya in Puntland iyo Jubbaland, ay doonayaan in ay mowqif midaysan ka qaataan dhammaan arrimaha looga hadlay shirka, gaar ahaanna arrimaha ku wajahan heer Federaal sida doorashada Soomaaliya ee 2020/2021-da, Sharciga Batroolka, deeqaha dibadda iyo dib u-eegista Dastuurka KMG ah ee dalka.

Puntland iyo Jubbaland, ayaa la sheegayaa in ay hadda aragti midaysan ka qabaan khilaafka kala dhexeeya xukuumadda Federaalka, taasi oo ay aaminsan yihiin in xallinta khilaafkaasi, uu ku imaan karo in dowlad goboleedyada lagala tashado arrimaha masiiriga ah ee dalka.

PUNTLAND POST