Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankii 31aad ee kalfadhiga 6aad.
Ujeedada kulan maanta ee Golaha Aqalka Sare ayaa ahaa ansixinta hindise sharciyeedka Istaatistikada Qaranka iyo ansixinta hindise-sharciyeedka howlgabnimada, xaqsiinta iyo hibooyinka xubnaha ciidamada qalabka sida.
Kulanka waxaa shir guddominaayey Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Senatar Cabdi Xaashi Cabdullahi, waxaana ku wehelinaayey Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Abshir Maxamed Axmad iyo Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha Aqalka Sare Senatar Moowlid Xuseen Guhaad.
Guddomiye ku xigeenka Guddiga arrimaha dibadda qorsheynta, maalgashiga iyo iskaashiga caalamiga ah ee Golaha Aqalka Sare Senatar Maxamed Cismaan Faarax ayaa Baarlamaanka ka hor akhriyey warbixinta akhrinta 3-aad ee hindise sharciyeedka Istaatistikada Qaranka.
Waxaa hor-yimid Golaha Aqalka Sare Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Jamaaal Maxamed Cismaan iyo xubno kale oo ka socda Wasaaradda.
Guddiga arrimaha dibadda qorsheynta, maalgashiga iyo iskaashiga caalamiga ah ee Golaha Aqalka Sare ayaa mariyay akhrinta 3-aad ee hindise sharciyeedka Istaatistikada Qaranka.
Golaha Aqalka sare aya ansixiyey hindise sharciyeedka Istaatistikada Qaranka, waxaana ogolaaday 31 Senatar, iyadoo ay Golaha ay fadhiyeen 32 Senatar.
Dhanka kale Guddoomiyaha Guddiga difaaca iyo amniga Golaha Aqalka Sare ee BFS Senatar Maxamed Amiin Sheekh Cismaan ayaa Golaha ka hor akhriyay warbixinta akhrinta 3-aad ee hindise sharciyeedka howlgabnimada, xaqsiinta iyo hibooyinka xubnaha ciidamada qalabka sida.
Guddiga difaaca iyo amniga Golaha Aqalka Sare ayaa mariyay akhrinta 3aad ee hindise-sharciyeedka howlgabnimada, xaqsiinta iyo hibooyinka xubnaha ciidamada qalabka sida.
Golaha Aqalka Sare ayaa ansixiyey hindise sharciyeedkan, waxaana ogaaladay 30 Senatar.
Ugu dambeyntii waxaa shirka soo xiray Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.