Musharrixiin shuruud ku xiray ka qeyb-galka doorashada Galmudug

Saddex kamid ah musharrixiinta doorashada madaxtinimada dowlad goboleedka Galmudug oo kala ah; Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa), Cabdullaahi Faarax Wehliye iyo Kamaal Daahir Gutaale, ayaa qoraal ay soo saareen ku shaaciyay shuruudo ay ku xireen ka qeyb-galka doorashada Galmudug.

Qoraalka ay soo saareen ayey ku sheegeen in Dhuusamareeb la dhigay jidoogooyin lagu xanibayo  isu socodka taageerayaasha iyo ololayaasha Musharaxiinta iyo dhibaatooyin lagala kulmo qabashada kulamada ololaha doorashada taasoo loo adeegsanayo ciidamada ammaanka.

Musharaxiinta ayaa sheegay in haddii sida ay wax u socdaan waxba laga bedelin xanibaadda iyo is hor-taagga Xildhibaanada lagu sameynayo in ay arkaan Musharaxiinta si xor ah, waxaa adkaaneysa in aanay marqaati beenaale ka noqdaan doorasho ku shubasho ah oo aan reer Galmudug u hosaasino, dhismaha maamul gacan ku rimis ah oo aan ka turjumeyn hankooda.

Waxaa ay ku baaqeen in la joojiyo handadaada iyo xanibaada Xildhibaanada, lana siiyo fursad, sidoo kale waxay ku baaqeen in la joojiyo waqti dedejinta doorashada lana siiyo Xildhibaanada muddo 21 maalmood, si ay ula kulmaan si xor ahna una kala bartaan Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha.

Hoos ka akhriso qoraalka

PUNTLAND POST